Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil iyo dhaawac ka geystay Beledxaawo

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda uu saacadihii la soo dhaafay dil iyo dhaawac ka geystay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Askariga ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan hooyo, wiil ay dhashay iyo darawalkii waday.

Rasaasta uu furay askariga ayaa waxaa ku dhintay darawalkii waday mootada, halka ay dhaawacmeen hooyada iyo wiilka ay dhashay, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gacanta lagu dhigay askarigii ka dambeeyey falkaasi, kadib markii ay si deg-deg ah goobta ku gaareen ciidamada ammaanka.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi waxyeelada loogu geystay dadka rayidka ah.

Beledxaawo ayaa waxaa ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka waday gudaha degmadaasi.