Ciidanka Danab oo nolosha ku qabtay xubno Shabab ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa in howl-gallo qorsheysan ay ka sameeyeen gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaba oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah dhaq-dhaqaaqayadaasi looga sameeyey deegaanada Buur-Heybe, Jiira-Koolow, Durdurow, Saaxweyn & Yaq-Doomaar.

Saraakiil ka tirsam ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku soo qab qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, mootooyin ay isticmaali jireen iyo agab ciidan, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay cagta mariyeen xarumo muhiim ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyn halkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kordhiyeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Baay & Bakool.