Wasiirkii warfaafinta DFS oo Axmed Madoobe la tartamaya kuna dhawaaqay musharaxnimadiisa

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta ayaa maanta Kismaayo kaga dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne maamulka Jubbaland, kaasi oo doorashadiisa dhaceyso 10 maalin kadib sida gudoonka baarlamaanka Jubba uu ku dhawaaqay.

Cabdulaahi Ciilmooge Xersi, wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay inuu yahay musharax uuna isku diyaariyay inuu ka qeyb galayo doorashada ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dadka ku sugan Kismaayo ayaa maalmahaan hadal hayay safarka uu wasiir Ciilmooge ku tagay magaalada Kismaayo, taasi oo aheyd mid siyaasadeysan.

Dad badan ayaa qaban in musharaxnimada Ciilmooge tahay kaliya inuu noqdo ruux la Tartama Axmed Madoobe laakiin qorshaha doorashada tahay mid Axmed Madoobe loogu shubi rabo.

CIILMOOOGE

CEELMOOGE

COOOGLE

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com