Xog: Sirta socdaalka Axmed Madobe ee Doolow

Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa safar ku tagay shalay magaalada Doolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay ayna kaga horeeyeen madaxweyne ku xigeenka Jubba iyo xubno kale.

C/laahi Ismaaciil Fartaag madaxweyne ku xigeenka Jubba, ayaa sheegay in ujeedada uu Axmed Madoobe u tagay magaalada Kismaayo tahay inuu la hishiiyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Jubbooyinka ee kasoo horjeeda maamulkiisa.

Sidoo kale wuxuu Fartaag sheegay in magaaladaasi la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka Axmed Madoobe kala dhaxeeyo Maxamuud Sayid Aadan oo mar madaxweyne ku xigeen ka noqday maamulkii uu burburiyay Shariif Xasan Sheikh Aadan/

“Ujedada Axmed Madoobe u yimid Doolow waxaa qeyb ka ah inuu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeyo siyaasiyiinta qaar iyo maamulada ka dhisan Gedo”sidaasi ayuu Fartaag u sheegay saxaafada.

Muddo 10 maalin kadib ayaa la qorsheynayaa in doorasho madaxweyne ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxaana ilaa iyo haatan la heynin dadka la tartarami karo Axmed Madoobe, walow la hadal hayo wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdulaahi Ciilmooge Xersi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com