Sawiro: Wiilkii 7 jirka ahaa oo loo qaaday Turkiga iyo Thaabit oo garoonka Diyaaraha ku sagootiyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Cumar Maxamed wuxuu ku dhashay Xanuunka dhanka Wadnaha ka haya, waxaana waalidiinta dhalay oo danyar ah ay Awoodiwaayeen in ay adeeg Caafimaad ay dibadda ugu qaadaan, Maadaama aan dalka wax looga qabankarin.

Wiilkaan yar oo kunool degmada Boondheere ayaa dadka degmadaasi oo kaashanaya maamulka degmada , waxa ay xaaladiisa Caafimaad kusoo wargeliyeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku booqday Gurigooda, wuxuuna soo arkay Xaaladda wiilkaas iyo qoyskiisa oo aan tababar u laheyn inay caafimaad debadda ah u wadaan maadaama dalka wax looga qaban waayey.

Guddoomiyaha ayaa durba go’aansaday inuu wiilkaan siiyo Viso Caafimaad oo ah dalka Turkiga, taasoo ugu dambeyntii gacanta laga saaray  laba Maalin ka hor

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wiilkii yaraa Maanta u sagootiyey dalka Turkiga wuxuuna Alle uga baryey inuu siiyo Caafimaad deg deg ah.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Bulshadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gurmaddaan.

Waxaa uu u mahadceliyay dadka kunool degmada Boondheere, sidda ay ugu soo wargeliyeen maamulka gobolka Banaadir dhibka heysta wiilkaasi yar.

Aabaha dhalay Wiilkaasi ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu Maanta arko wiilkiisa oo u safrayo dalka Turkiga.

”  Alxamdullaahi maanta ayaa loo qaaday Turkiga wiilkii yaraa ee Wadnaha ka xanuunsaa oo dalka Wax looga qaban waayey” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit”

” Gobolka Benaadir ayaa kafaala qaaday waxaana Illaahay uga baryeynaa safar caafimaad oo Guul leh Inshaa Allah” ayuu sii raaciyey.