Sawirro: Sidee ayay u dhacday soo dhaweynta Guddoomiye Jawaari & Xaamud ee magaalada Baladweyne

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wafdiga uu hoggaaminaayay Jawaari ayaa waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo booqasho ku jooga Somalia.

Waxaa wafdiga wehlinaayay Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dowlada Somalia.

Wafdiga labada dhinac ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Hirshabeele oo uu ugu horeeyo Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare.

Intaa kadib Wafdiga ayaa si wada jira u booqday Xarunta weyn Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kula kulmeen Hogaamiyaha Hirshabeelle, Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi Jooga.

Sidoo kale, Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti ayaa ka qeybgali doona shirka Golaha Shacabka ee la filaayo inuu dhaco maalinta berri ee Sabtiga ah.