Arrin cusub: Dhaxal sugaha Sacuudiga oo Calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah u kireysanaaya ciqaabta Amiirada xiran

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Sacuudiga ayaa shaacisay inay isticmaaleyso Qandaraaslayaal ciqaaba amiirrada Sacuudiga iyo bilyaneerada dhawaan lagu xiray dalka Boqortooyada.

Qoraal lagu baahiyay wargeysyada oo xiganaaya Saraakiisha amaanka ayaa lagu sheegay in isticmaalka calooshood u shaqeystayaasha u dhashay Mareykanka ay fududeyneyso in la helo xaqiiqda xariga amiirrada Sacuudiga iyo bilyaneerada.

Wargeyska DailyMail ayaa isna qoray in Amiirada iyo ganacsatada bilyaneerka ah lugaha laga xiri doono oo kor laga soo laalaadinayo, iyadoo ay garaaci doonaan qandaraaslayaal Mareykan oo calooshood u shaqeystayaal ah.

Wargeyska DailyMail ayaa qoray in qandaraaslayaasha ay su’aalo weydiin doonaan ganacsatada bilyaneerka ah ee u xiran dowlada Sacuudiga.

Qandaraaslayaasha Maraykanka ah ee ciqaabi doona amiirada ayaa waxaa kireystay dhaxal sugaha dalkaasi sacuudiga Mohammed Bin Salman, kaasoo hadda ah ninka ugu awooda badan boqortooyada.

Dhaxal suge Mohammed Bin Salman ayaa la sheegay in amiiradaasi uu kala wareegay lacag dhan 194 bilyan oo dollarka xisaabaadka bangiyada iyo hantidii dadka la xiray.

Sidoo kale, Wargeyska DailyMail ayaa shaki galiyay waxa ay yihiin Qandaraaslayaasha waxa uuna tilmaamay inay suuragal yihiin Xubno laga soo xulay kooxda la magac baxday Blackwater oo madaxweynaha Lebanon Michel Aoun uu mar ku xusay bogiisa twiterka in Ra’isal wasaaraha Lebanon, Saad Hariri, ay ilaalinayeen kooxda Blackwater, markii uu ku sugnaa Sacuudiga hase yeeshee wuxuu markii dambe tirtiray tweet-ka.

Dhinaca kale, amiirrada Sacuudiga iyo bilyaneerada xiran ayaa la xaqiijiyay inaysan aqbali doonin go’aanka cusub ee uu doonaayo dhaxal sugaha inuu ku ciqaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com