SAWIRR: Xassan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay Narendra Modi (Maxay kawada hadlen?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha DF Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo iminka ku sugan dalka India ayaa waxa uu habeenimadii xalay kulan gaar ah la qaatay Ra’isul wasaaraha dalkaasi Narendra Modi oo qaabilaad gaar ahi u sameeyay wefdiga Madaxweynaha.

Kulanka Xassan Sheekh iyo Narendra Modi, ayaa ahaa mid khuseeyay xoojinta xiriir dhexmara Somalia iyo India, iska caawinta ganacsiga, Siyaasada, waxbarashada, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida Somalia iyo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in wadankiisu diyaar u yahay soo noolaynta xiriirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo India.

Ra’iisl Wasaaraha India, ayaa waxa uu isagana sheegay in dalka Somaaliya ay ka taageeri doonaan dhinaca waxbarashada, la dagaalanka argagaxisada iyo taakulaynta Ciidamada militariga.
1

2

3

4