Kashifaad: Shaqaalahii uu Sacuudiga dalbaday (Gabdho iib ah) oo qandaraas lagu siiyay Wiilasha Xasan Sheekh

Riyad (caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya asan Sheekh Maxamuud ayaa soo gababeeyay booqasho uu ku tagay Magaalada Riyaadh ee Caasimadda Dalka Sacuudiga. Madaxweynaha ayaa ujeedka safarkiisu uu la xiriiray shaqaale ay soo codsadeen dowladda Sacuudiga. Waxaa Soomaaliya laga codsaday in Shaqaale dhan 100,000 oo isugu jira Rag iyo Dumar in laga howl geliyo dalka Sacuudiga. Sida ay soo qortay Wasaarada Shaqaalaha ee Sucuudiga HALKAN KA AKHRI

Shaqaalahan ayaa u badnaan doona, Jaariyado iyo Darawalo sida uu u xaqiijiyay masuul ka tirsan Qunsuliyada Riyaad. Waxaa mashruucan qandaraas lagu siiyay shirkad laga leeyahay dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo TARGET GENERAL TRADING LIMITED, oo aay wada leeyihiin ku xigeenka agaasimaha madaxtooyada Soomaalida Saadiq Cabdikarin Xaaji iyo agaasimaha protocolka madaxtooyada Cabdirxman Cumar Cisman (Kampala) oo labadaba uu adeer u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Musuqmaasuqa baahay ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa ka sii daraya marba marka ka danbeeyso, isagoo Madaxweyne Xasan caadeystay in isaga iyo qaraabadiisa aay boobaan qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa arrintan kasii daran in gabdho badan oo Soomaaliyeed loo kaxeyn doono xadgudubka ragga Sacuudiga iyo Qoysaskooda, kadib markii dalal badan sida Indonesia iyo Bangladesh ay Sacuudiga iskula dhaceen xadgudubyo lagu sammeeyey muwaadiniintooda

Baarlamaankii mooshinka ka keenayna waxaa lagu kala diray dhaqaale aay bixisay dowladda Sacuudiga sida aay heshay Caasimada Online documenti caddeynayo arrinkan, taa beddelkeedna waxaa loo fulinaya qorshayaal kale..

saadaq

kampala

Abukar Macallin Faqi
Caasimada Online
Riyadh, KSA