Qoyska Faroole oo qabanqaabinaya mooshin ka dhan ah madaxweyne Cabdi Weli GAAS (XOG)

Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha Baarlamaanka Puntland ayaa waxay ku leeyihiin Garoowe shirar goosgoos ah oo ay kaga tashanayaan xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweyne Cabdi Weli Gaas.

Xildhibaanada ayaa Gaas ku eedeynaya in xaaladda Puntland ay faraha ka baxay, siyaasaddii Puntland oo jahawareertay sidii loo dhisay Galmudug, madaxweynihii Puntland oo isaga cararay caasimaddii Garoowe una guuray Gaalkacyo oo uu ka dhisanayo madaxtooyo cusub, kadib markii Faroole iyo qoyskiisa ay ku karkariyeen Garoowe.

Dhibaatooyinka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Kharash la’aanta iyo dhaqaale xumada ka jirta Puntland oo gaartay in mushaar loo waayo shaqaalihii ka shaqeynayey xarunta madaxtooyada Garoowe oo ay hadda ilaalo ka hayaan ciidamo u daacad ah wiilasha Faroole.

Xubnaha Baarlamanka Puntland oo ay dabada kaga jiraan qoyska Faroole ayaa ka fekeraya inay mooshin ka keenaan C/weli Gaas, xilkana uga tuuraan oo ay markaa kadib u magacaabaan isla Faroole si ay Puntland uga badbaadiyaan burbur.

Dhibaatada Puntland haysata oo muddo soo jirtay, ayaa Faroole wuxuu dadka kaga sii jeedin jiray inuu isku taago dowladda federaalka balse ma muuqato meel kale oo hadda la isku taago oo aan ahayn Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com