MUUNGAAB oo jeediyay khudbad xasaasi ah..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow uu kulan aan caadi aheyn ka dhacay xarunta dowladda Hoose kaasi oo ay ka qeybgaleen ku-xigeenada gudoomiyihii hore, Gudoomiyayaasha Degmooyinka, Saraakiisha Ciidamada deegaanka iyo Waaxyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa hogaaminaayay Muungaab waxa uuna halkaasi Khudbad uga jeediyay Mas’uuliyiinta Maamulka ee aan wali xilka laga qaadin isaga oo u jeediyay baraarujin iyo inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee isaga lagu badalay dhawaan.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa kulanka ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay islamarkaana uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo maamulka cusub.

Muungaab waxa uu xusay in kulankaan uu yahay mid uu kula dar daarmayo Guddoomiyayaasha degmooyinka si ay u sii gutaan waajibaadkii loo igmaday waxa uuna ku dhiiragaliyay in Gudoomiyaha cusub ay ula shaqeeyan sida ay isaga ula shaqeynayeen mudada kooban ee uu xilka hayay.

Sidoo kale, waxa uu goobta ka sheegay in Gudoomiyaha cusub uu isaga lamid yahay kaliyana loo baahan yahay in dhamaan shaqaalaha Maamulka ay garab taagnaadan Gudoomiyaha cusub.

Dhanka kale, hadalka Muungaab ayaa imaanaya iyadoo dhawaan si lama filaan ah uu xil ka qaadis ugu sameeyay Madaxweyne Xassan kadib markii lagu helay Musuq-maasuq iyo faragalin hanti Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com