‘’Waxaan dalbaneynaa in Gaas xil ka qaadis iyo Maxkamadeyn leysugu darro’’ waxaa sidaa yiri..

Muqdisho (Caasimada Online)-Ex Xildhibaan Daahir Cabdiqaadir Muuse Cirro, ayaa si kulul uga hadlay Is casilaadii uu shalay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire.

Daahir Cabdiqaadir waxa uu sheegay in damiirka uusan siineynin inay afka ka qabsadaan ficilada gumaadka u muuqaalka eg ee uu C/weli Gaas ku hayo Madaxda maamulka iyo shacabka ku hoos nool deegaanada Maamulka.

Waxa uu sheegay in Mooshinkii laga geeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku xigi doonto in mooshin xilka looga qaado laga geeyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Max’ed Cali Gaas dabadeedna uu Maxkamad wajaho.

Waxa uu Daahir Cirro sheegay in Mooshinka laga keenay Gudoomiyihii is casilay ay sabab u aheyd kadib markii Guddoomiyihii hore ee BP uu ka weecday sharciga islamarkaana uu difaacay xukuumadda oo xubanaha BP su’aalo weydiinaayay Madaxweyne Gaas uu Siciid Xassan Shire ka hor istaagay, taana ay keentay in isaga mooshin laga keeno xilkiina ku waayo.

Waxa uu tilmaamay inay nasiib darro tahay in mooshin leysaga keeno side Madaxweyne Gaas ugu fasaxeysaa Su’aalaha la weydiinaayo, waxa uuna arrinkaasi ku micneeyay mid lagu afduubaayo Siyaasada Maamulka.

Sidoo kale, Daahir Cabdiqaadir waxa uu tilmaamay in Cadaaladarida ay tani bilow u tahay, balse Siyaasiyiinta iyo shacabka ay ka dhowr sugayaan in Xeer ilaaliyaha Puntland uu u yeero Baarlamaanka kadibna laga dalbado in uu soo jeediyo xilka qaadis ku socota Gaas, kadibna Maxkamad la horgeeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu cadeeyay in arrintaani is casilaada ah ay suuragal tahay in xiisad Siyaasadeed ay ka dhex abuurto maamulka dhexdiisa taasi oo ugu danbeyntii caqabad uu kala kulmi doono C/weli Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com