Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin dheer oo ay qortay wakaalada wararka AP, ayaa looga hadlay askar dumar ah oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Wixii ka dambeeyay sannadkii 2011-ka waxaa kordhaayay askarta dumarka ah ee ku biiraya dowladda kuwaasoo hadda lagu arkayo magaalada Muqdisho.
Ilaa 1,500 oo askari oo dumar ah ayaa ku jirra ciidamada Soomaaliya oo lagu qiyaaso 20,000 oo askari sidda ay lee yihiin saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dumarkan ku jirra booliska ayaa lagu arkayaa waddooyinka Muqdisho iyagoo dhabarka uu u saaran yahay qoriga AK47.
Sacdiyo Nuur waa 28-jir waxay sheegtay in ninkeeda iyo qoyskeeda ay ka dideen inay difaacdo dalkeeda oo waxay rabaan bey tiri in aan gurigga iska joogo.
“Seygayga, Qoyskeyga iyo qof wala wuxuu doonayaa in aan joogo guriga oo aan shaqeynin.”ayey tiri.
Waxaa ku jirra dumarkan kuwa in muddo ah ku soo jiray ciidamada booliska Soomaaliya balse wixii ka dambeeyay burburkii shaqada waa ay iska dhaafeen balse dhawaan ayey ku soo laabteen, waxaa kaloo jirra kuwa cusub oo ku soo biiray oo tababbar uu u socdo.
Waxay qabtaan howgallada ciidamada booliska qabtaan, waxay waardiyeeyaan xarumaha muhiimka sidda baarlamaanka, madaxtooyada, garoonka diyaaradaha, dekedda iyo saldhigyada iyagoona ka qeyb qaata howgallada laga sameeyo xaafadaha gaar ahaan marka la baarayo dumarka.
Marka la weydiiyo howsha ay hayaan waa ay ku faraxsan yihiin balse waa kuwa aad u cabsada oo meelaha qaar ma aadi karaan haddii ay aadaanna waxay qaataan niqaab ama indho shareer si aan loo aqoonsan.
Halkan ka daawo sawirrada haweenka booliska Soomaaliya
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho