Sawirro: 16,500 Arday oo u fariisatay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta daah-furay Imtixaanadka Shahaadiga ee maamulkaasi.

Puntland ayaa sheegtay in sanadkan ay Imtixaanka u fariisanayaa illaa 16,500 oo ardey oo kala ah fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo kan 8-aad ee dugsiga Dhexe.

Deni ayaa si gaar ah Imtixaanaadkan uga daah-furay iskuulka Cumar Samatar oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Dowladdu waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka.

Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Xubnaha Golaha Wasiirada oo ay ugu horeyaan Masuuliyiinta Waxbarashada, Maamulka Gobolka Mudug iyo Kan degmada Gaalkacyo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-