Johannesburg (Caasimada Online) – Tuugo kasoo jeeda dalka Koonfur Africa ayaa nolosha ku gubay Laba dhalinyaro oo Soomaali ah, waxaana lasoo warinayaa in mid kamid ah dhalinyaradaasi uu la geeriyooday dabka la qabadsiiyay, halka kan kalane uu dhaawac culus la yaalo Isbitaal ku yaalla dalkaasi.
Labadaani wiil ee Nolosha lagu gubay ayaa la sheegay inay kasoo jeedan magaalada Jigjiga, waxa ayna dalka Koonfur Africa ku lahaayen goobo ganacsi.
Tuugada gubta labadaani ruux ee Soomaalida ah ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay gaarayeen ilaa Shan ruux, waxaana dhag-xaan lagu dilay laba ruux, halka midna loo geystay dhaawac culus.
Tuugada ayaa waxaa sidoo kale ka baxsatay labo kuwaasi oo goobta ka cararay inta uu socday falka gubitaanka ah.
Dilka Tuugada ayaa waxaa geystay dhalinyaro Soomaaliyeed iyo kuwo kale oo kasoo jeeda dalka Koonfur Africa kuwaasi oo aad uga carooday falka lagu gubay Labada wiil ee Soomaalida ah.


