Sawirro: 3 sano oo ay uur laheyd kadib haweeney reer Nigeria ah oo dhashay Ri’

Abuja (Caasimada Online) – Dunida waa meel ay ka dhacaan dhacdooyin qariib ah sida dhacdadaan oo kale, gobolka Rivers State oo ka mid ah gobolada dalka Nigeria ayey dhacdo layaab leh ka dhacday kadib markii haweeney ay umushay (Ri’) kadib sadex sano oo ay uurka ku siday.

Dadka deegaanka ayaa aad ula yaabay dhacdada taasoo aheyd naxdin aysan qofna aamini karin, balse qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyay in dad badan ay ku xoomeen guriga haweeneysa si ay marqaati uga noqdaan dhacdadaan layaabka leh.

Warkaan waxaa bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo qoray durbadiiba Simeon Chikwu oo ka mid ah dadka deegaanka dhacdada ay ka dhacday, sida warbixin lagu sheegay islaantaan waxey kasoo jeedaa gobolka Abia State waxaana guursaay nin aan magaciisa la sheegin balse ka yimid gobolka Akwa Ibom State.

Waxey uurka ku siday sida warbixinta lagu sheegay muddo sadex sano ah, salaado badan iyo soon badan kadib oo ay ku gudatay kaniisadda, ugu dambeyntii waxey dhashay noole.

Lama garan karo ilaa iyo hadda waxa sababay dhalmadaan qariibka ah, xitaa dhaqaatiirtii ka qeyb qaatay arinkaan kama hadlin wali.

DAAWO SAWIRADA:



Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
caasimada@live.com