Xog: Madaxweyne Farmaajo oo mamnuucay dhaqdhaqaaqa koontooyinka DF ee Bankiga Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in si KMG ah loo hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada Koontooyinka Bangiga Dhexe ee qaar ka mid ah wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya.

Hakinta dhaqdhaqaaqa ayaa la sheegay in la faray Maamulka Bangiga Dhexe, kadib markii laga warhelay in maamulkii hore ay faarujinayaan Koontooyinka.

Amarka xanibaada ayaa la sheegay inuu lahaa Madaxweynaha cusub ee DFS Maxamed C/llaahi ”Farmaajo”, waxa uuna maamulka Bangiga faray in amarkaasi uu saameynaayo dhammaan Hay’addaha Dowladda Federaalka.

Talaabadan ayaa umuuqato mid loo qaaday ilaalinta hantida dowlada si eysan u imaan wax isdaba marin iyo masuq maasuq kahor inta uusan xilka la wareegin  madaxweynaha cusub oo lafilayo in dhawaan uu la wareego Xafiiska.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hakiyay in Hay’adaha DFS ay akoono gaar ah ka sameystaan Shirkadaha xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka, inta lagu gudajiro isbedelka Xafiisyada Dowlada.

Sido kale, amarkaasi ayaa shaqeyn doona ilaa iyo laga soo saaro amar danbe, maadaama Dalka uu ku jiro wakhti kala wareeg ah.

Dhinaca kale, amarkaani ayaa lagu xoojinayaa Hanaanka ay Dowlada Madaxweyne Farmaajo ku xakameyneyso Hantida ku harsan Koontooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com