Xog: Yuu Farmaajo u magacaabay howsha xiliga kala guurka ah iyo baratakoolka xafiiskiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Somalia sidi sawirka xafiiskiisa iyo qaabka uu u shaqeeyo loo hagaajin lahaa wuxuu u xilsaaray diblomaasiyiin ruugcadayaal ah oo qaarkood ay hore ula soo shaqeeyeen dowladihii isaga ka horeeyay.

Waxaa lagu dhalliili jiray madaxdii hore ee Somalia in ay hawshoodu tahay isku dhex yaac iyo protocol xumo balse waxaa haatan laga dheehanayaa madaxweynaha la doortay in ragga hawsha wada ay muujinayaan xirfad sare.

Sida aan kaso xiganay ilo ku dhow dhow madaxweynaha Danjire Jamal Hassan wuxuu qaabilsanyahay inuu si kumeel gaar ah u maamulo xilliga kala guurka ah isaga oo xiriirro wanaagsan la leh diblomaasiyiinta iyo madaxda gobolka geeska Afrika.

Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya Jeddah Mudane Siyaad Maxamuud Shire kaas oo horey ula soo shaqeeyay madax kala duwan tan iyo dowladdii Cabdullaahi Yusuuf ayaa loo magacaabay baratakoolka xafiiska madaxweynaha cusub.

Thabit Maxamed Cabdi oo hore u ahaa Kusimaha Agaasimaha Guud ee xafiiska Madaxweynaha, mudda dhawr sano ahna ka shaqeeynayay madaxtooyada ayaa isagana kamid ah shakhsiyaadka uu madaxweynaha ugu yeeray in ay ka qeyb qaataan dejinta nidaam hufan oo muujinaya in loo dhaqmo habka ay dowlaha horumaray u shaqeeyaan.

Warka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha uu qaabili karo oo kaliya Madaxda ugu sareysa dowladda waqtigeedu dhamaaday, Taliyeyaasha ciidamada iyo madaxda safaaradaha oo kaliya, waxaana loo diiday in ay la kulmaan wakiillada hay’adaha, saraakiisha ciidanka ee ka hoos shaqeeya taliyeyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, hab maamuska iyo shaqada kumeel gaarka ah ee socoto waxay muujineysaa in Madaxweyne farmaajo uu ka faa’iideysanayo khibradda masuuliyiinta uu haatan u xilsaaray in ay maareeyaan xafiiskiisa xilliga kala guurka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com