Keating oo durba shaaciyey hal arrin oo QM ay ka dooneyso Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa ka hadlay shaqooyinka looga baahan yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Michael Keating, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia looga baahan yahay in marka hore uu la imaado istiraatiijiyada uu ku shaqeyn lahaa 4 sano ee soo socta waxa uuna tilmaamay in lama huraan ay tahay in Dowlada cusub ay waxbadan ka duwanaato kuwii hore.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in howsha koowaad ee laga rabo Madaxweynaha Somalia Farmaajo ay tahay in uu wax ka qabto abaaraha baahsan ee ka jira dalka inta aysan kasii darin, islamarkaana arintaasi ay ku garab taagan yihiin Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Maamul goboleedyada.

Michael Keating, waxa uu bidhaamiyay in Abaaraha ka jira Gobolada dalka ay tahay mid loo baahan yahay in Madaxweynaha cusub uu degdeg ku qaboojiyo, si aanu uga sii darin xaalada taagan.

Doorashada Somalia ayuu sheegay in QM ay aaminsan tahay in doorashada Madaxweynaha Somalia ay ku dhacday si caddalaad ah , isla markaana uusan dhicin Musuq maasuq intii ay socotay Doorashada.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in Doorashadaan ay tahay mid ka duwan midi Sanadkii 2012-dii dalka ka dhacday ,isla markaana ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada si gaara dhalinyarada iyo Haweenka.

Dhinaca kale, Michael Keating, waxa uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisa maadaama uu noqday Madaxweynaha keliya oo ay kalsoonida u muujiyeen Shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com