Xildhibaano jirdil iyo xabsi loogu geystay Hargeysa + Tirada

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa maanta jirdil iyo xabsi u geystay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaas.

Xildhibaanadaani jirdilka iyo xariga lagula kacay ayaa la sheegay inay ka hor imaaden go’aanka Hogaamiyaha mamaulka Axmed Siilaanyo Saldhiga ku siiyay dowladda Imaraadka Carabta oo laga furaayo Magaalo Xeebeedka Berbera.

Qadiyadaani Saldhiga ayaa waxa sidoo kale maanta loo xiray 3 Xildhibaan, halka 6 kalana loo geystay dhaawac kadib markii lagu dhuftay jug culus.

Cabdiraxmaan Ciro, Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa sheegay in talaabadaani uu ku lug leeyahay Hogaamiyaha maamulka isla markaana lagala xisaabtami doono ciidamada falkaasi geystay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ilaa iyo hadda ay hayaan macluumaadka 9-ka Xildhibaan ee loo geystay falka sharci darada ah.

Geesta kale, Baarlamaanka maamulka ayaa ansixiyay heshiiska Saldhiga, waxa ayna ogolaaden in imaaradku saldhig milatari ka sameysto gudaha magaalada Berbera oo mudooyinkaan madaxda maamulku ay isku khilaafsanaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com