Sawirro: Abwaan Sangub oo Isbitaal loola cararay iyo xaaladiisa oo liidata

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku xanuunsan Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Sangub), kaasi oo iminka xanuun la yaalla Isbitaalka Erdogan ”Digfer”.

Sungub oo waayadii danbe ku noolaa Somalia, ayaa waxaa iminka lasoo sheegayaa inuu ku jiro xaalad aad u adag sida ay xaqiijiyeen rag asxaab la ah oo Isbitaalka ku booqday.

Abwaan Sangub ayaa la il daran xanuuno dhowr ah oo ay kamid yihiin Sonkor, Dhiig-kar iyo Xanuuno kale.

Abwaanka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu sameeyay qaliin isla markaana iminka xaaladiisu ay tahay mid aad u liidata.

Ehelada Abwaanka kama aysan hadal xanuunada haya Sangub waxaase la sheegayaa in iminka uu yahay mid xaaladiisu tahay alo-sahal.
sangub-1

sangub-2