Xog: Gaas oo wada qorshe uu ku fashilinayo doorashada Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay Caqabado badan oo uu sheegay inay ka hor imaan doonaan Hirgelinta Doorashooyinka xorta ah ee maamulka Puntland.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in walaaca ugu badan uu yahay in caqabadahaasi ay saameyn xoogan ku yeeshan doorashooyinka Puntland, waxa uuna ku baaqay in xili hore ay si wada jir ah uga wada shaqeeyan howlaha la xiriira Doorashooyinka xorta ah ee maamulka Puntland.

C/wali Gaas waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in waqti badan la geliyo nidaamka doorashooyinka xorta ah, islamarkaana Puntland ay hadda ka guureyso nidaamkii qabiilka ahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Gaas waxa uu tilmaamay in mudada harsan ay tahay muddo kooban oo uu ku sheegay laba sanno, wuxuuna carab dhabay in lagama-maarmaan ay tahay in xiligaani ay ku dhaqaaqaan howlgalinta Guddi uu sheegay inay xal usii raadiyaan doorashooyinka.

”Waxaa dhicikara dib u dhacyo ku yimaada howlaha doorashooyinka xorta ah ee Puntland, waxaan u baahanahay inaan ka gaashaamano dib u dhac ku imaankara doorashada”

Waxa uu intaa raaciyay ”Puntland nidaam qabiili ah bay ka guureysaa, oo waxay u guureysaa nidaam dimoqraadiyad ah, micnaheedu ma ahan wax walbo wey wanaagsanaanayaan, dimoqraadiyadda laftiguudu wax walbo oo loo baahan yahay lagama helo”

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland qaarkood ayaa qaba in C/wali Gaas uu dadka kasii dhaadhicinaayo inay dhici doonto dib u dhacyo ku imaada doorashada maamulkiisa.

Dhinaca kale, waxa ay sheegen inuu ku taamaayo in doorashada maamulkiisa uu dhowr bil dib uga darsado, waxa ayna cadeeyen inaanu qaadan doonin in dib u dhac lagu sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com