Sheekh Shariif oo ka digay qatar ay dowladda Xasan Sheekh abuurto

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka qeyb galayay todobaadkii hore barnaamij dood wadaag ah ayaa ka digay arimo doorashada la xiriira.

Sheikh Shariif Sheikh Ahmed oo la weydiiyay su’aal la xiriirtay in doorashada sanadkaan ay noqon karto mid lagu shubto iyo inkale ayaa sheegay iney dhici karto in doorashada lagu shubto.

Sheikh Shariif wuxuu sheegay iney ka digayaan iney dhacdo in dad gaar ah ku shubtaan doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka iyo dowlada ayuu sheegay iney wadaan dadaalo looga hortagayo iney ku shubasho ka dhacdo dalka Soomaaliya doorashada ka dhaceyso.

“Waxaan aaminsanahay wey dhici kartaa ku shubashada doorashada, laakiin dadaal badan ayaa socdo oo beesha caalamka iyo Soomaalida ay wadaan,waxaana doonayaa iney dhacdo doorasho cadaalad ah”ayuu yiri Sheikh Shariif.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu jiro walac xoogan oo musharixiinta ay ka muujinayaan in xubno ay maalgeliyaan kana qeyb gala doorashada sanadkaan si markale xubno dowlada ay wadato ay doorashaa ugu guuleystaan.

“Waxaa kaloo jira walaac weyn oo laga qabo in dowlada xubno ay wadato lacag ku bixiso si markale loo doorto, taasina isku dhac bulsho ayaa ka dhalanaya”ayuu hadalkiisa ku daray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com