Qeybta 4-aad: Musharaxiinta rasmiga ah iyo Musharaxiinta Qooto Qooto

Qeybta 1-aad
Qeybta 2-aad
Qeybta 2-aad

Cabdinaasir Maxamed: Waa dhaqtar Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Mareykanka, waxna ku bartay, kuna ceeshay in badan, waxaa damac ugu jiraa inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

In badan xaalada Soomaaliya kama war qabo maadaama qurbaha uu ku raagay, shaqsiyadiisa cid wax badan ka og ma jirto, waxaana maqalkiisa iyo muuqaalkiisa dadku arkeen markii magaalada Minneapolis ugu dhawaaqay murashaxnimadiisa.

Dhaqdhaqaaqiisa murashaxnimo si weyn loogama dareemayo magaalada Muqdisho sida looga dareemo murashaxiinta kale ee habeenkii ku guureeya hoteelada ay degan yihiin siyaasiyiinta.

Sawirkiisa oo lagu xardhay boor labo mitir ah ayaa la suray wadada kasoo baxda garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, wuxuuna dhexda ugu jiraa murashaxiin kale oo boorarkooda suran wadooyinka.

Dadka Muqdisho ayaa u arka C/naasir Maxamed murashax doonaya in taariikhda u gasha “waa ayaa ka qeyb galay doorashada Soomaaliya, halka qaarkood aaminsan yihiin inuu haysto dhaqaale uu ku tartami karo, qaarna waxayba u arkaan inuu qooto qooto ku rabo cododka xildhibaano ku heyb ah.

Madaxweyne Shariif – Wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar, sanadkii 1964-kii, waxbarashadiisana wuxuu ku dhameystay magaalada Muqdisho, magaalooyinka Khartoum iyo Tripoli ayuu ku dhameystay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isagoo shahaadada Bachelor Degree ee luuqada Carabiga iyo Juqraafiga ka qaatay Jaamacadda Aldalanj. Wuxuuna Bare ka noqday dugsiyada sare ee dalka, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.
Sheekh Shariif wax khibrad siyaasadeed ma laheyn ka hor 2006-kii xiligaasi oo uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ee SII SII, aakhirkiina wuxuu u soo gudbay inuu hoggaamiyo Midowgii Maxaakiimta ee dalka la wareegay Muqdishana awood ugu saaray Qabqablayaashii dagaalka.
Fursadaasi waxay SHariif u noqotay in uu hoggaamiyo dalka, damac kalena kasii galo inuu mar labaad u tartamo Madaxtinimada dalka, Waxaana lagu xusuustaa ciriirigii uu geliyay doorashadii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay afar sano ka hor.
La soco qromada xigta Insha Allah
W/Q: Cali Muxiyaddiin Cali, Caasimada.com