Beesha Leelkase oo ka dhiidhisay bahdilaaddii Cabdi Weli Gaas

Goldogob (Caasimada Online) – Beesha Leelkase oo ka mid ah beelaha dega Puntland ayaa si aad uga uga dhiidhisay bahdilaaddii uu ku sameeyey madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas.

Gaas ayaa beeshaas hal xubin oo kaliya ka siiyey aqalka sare ee baarlamanka, inkasta oo xaqiiqda ay tahay inay si weyn u degaan deegaanada Puntland.

Caddaalad darrada Gaas ayaa gaartay inuu beeshiisa aqalka sare ka siiyo lix xubnood, ayada oo beelaha qaarna aysan waxba helin.

Wararkii ugu dambeeyey ee soo gaaray Caasimada Online ayaa sheegaya inay socdaan shirar hoose oo beeshaas ay leedahay, lana filayo in go’aan lagu gaaro.

Go’aanada la filan karo waxaa ka mid ah in beeshaas ay ka baxdo Puntland, taas oo dhabar jab weyn ku noqon doonta Puntland oo markii horeba laba gobol iyo bar kaliya ka koobneyd.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com