Xog: Dagaal siyaasadeed adag oo ka dhex qarxay Muuse Suudi iyo Cali Ugaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Loolan adag oo beelaha oo Wacbuudhan ka dhex bilowday, kaasoo ay ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen kuraasta kaga soo aaday aqalka sare iyo kan dhexe. Beesha Wacbuudhan oo afar kursi kaga soo aaday labada aqal oo mid ka ah uu yahay aqalka sare.

Murashaxiin miisaan ku leh siyaasadda ayaa ku loolamaya kursiga beesha Daa’uud ay ka heleyso qoontada afarta xildhibaan, waxaana ku loolamaya Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore ee dalka soo maray iyo Cali Ugaas Cabdulle oo saldanada Ugaasnimo ku wareejiyay wiilkiisa Maxamuud, kaasoo saxiixi doono xubinta beesha kaga soo aaday.

Muuse Suudi Yalaxoow oo mudooyinkaan danbe ku faraq xirnaa madaxtooyada, gaar ahaan Xasan Sheekh ayaa guluf ugu jiro inuu kurisga beesha Daa’uud ku fadhiisto, wuxuuna taageero ka helayaa Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ay ugu heshiiyeen in xubinta beesha Daa’uud la siiyo Muuse Suudi Yalaxow.

Geesta kale, Cali Ugaas Cabdulle oo ah siyaasi galgal iyo galaangal badan wuxuu taagero ka helayaa wiilkiisa saldanada uu ku wareejiyay, kaasoo warar la isla dhex marayay ay sheegayeen in aabahiis uu booska aqalka sare ee beesha Wacbuudhan ka heshay aqalka sare kaga dhigay xildhibaan.

Waxaa kaloo xubinta aqalka sare ee beesha wacbuudhan ka heshay aqalka sare in ay horay iskugu sharaxday Drs. Mina Xasan Shibis oo ah aqoonyahanad iyo ganacsato.

Cali Ugaas oo ah siyaasi caan ah oo xukuumaddii milateriga kasoo noqday Duqa magaalada Muqdisho, mudooyinkii u danbeeyayna ahaa qurbo joog.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com