Maxaa kala heysta Boorsaani iyo haweenka duruufeysan ee Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale (Boorsaani), ayaa si cad u mamnuucay in Haweenka duruufeysan ay ku ganacsadaan Suuqa-bakaara gaar ahaan qeybta iminka lagu iibsho qudaarta.

Mar uu Boorsaani la hadlaayay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maamulka uu si cad u mamnuucay in haweenkaasi ay qudaarta ku iibiyaan qeybtii hore, iyadoo loo sameeyay iibinta Qudaarta suuq kale.

Boorsaani waxa uu sheegay in Suuqii hore ee qudaarta uu sabab u yahay amni darida ka taagan suuqa-bakaaraha waxa uuna iminka cod dheer ku sheegay in Haweenkaasi ay qudaarta ku iibin karaan keliya Suuqa Ceelgarweyne.

Boorsaani waxa uu sheegay inaanu la aqbali doonin in gaari Qudaar ka keenay Gobollada dalka lagu dejiyo Suuqa Bakaaraha, waxa uuna tilmaamay inuu muteysan doono xarig.

Sababta Qudaarta looga mamnuucay suuqa ayuu ku sheegay amni daro baahsan oo ka jirta suuqa, wuxuuna faramuuqay in gaadiidka keena qudaarta lala socon doono.

Guddoomiye Jimcaale ayaa ammar ku siiyey hay’adaha amniga iyo maamullaada degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag in tallaab ay ka qaadaan cidii ay ku arkaan iyadoo Qudaar ku iibineysa Suuqa Bakaaraha maanta wixii ka dambeeya.

Isagoo la hadlaaya Hay’adaha amniga iyo Degmooyinka ayaa waxa uu yiri ”Hay’adaha amniga, ciidanka ilaalinta deegaanka iyo degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag waxaan ku amreynaa in Qudaarta Bakaaro laga soo raro, loona soo raro suuqa Ceelgarweyne, kama foga suuqa Bakaaraha, bulshada oo dhanna waa meel ay isugu imaaan karto”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku fashilmay xaqiijinta amniga, dib usoo celinta bilicda iyo furitaanka waddooyinka u jaran shaqsiyaadka ka tirsan dowlada, iyadoo ay intaa jirto ayaa waxa ay howshooda kusoo biya shubatay la xisaabtanka Haweenka alaabaha yar yar ka ganacsada.

Haddalka Boorsaani ayaa u muuqanaaya mid lagu caburinaayo dadka shacabka ah, halka laga doonaayay inay ku mashquulan la dagaalanka cadowga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com