Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kulan gaar ah uu garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wakiilka cusub ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.
Michael Keating iyo Axmed Madoobe ayaa kawada hadlay arrinta la xiriirta hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee maamulka Jubbaland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.
Waxa ay sidoo kale kawada hadleen qodobka muranka badan dhaliyay ee 4.5 iyo qaabka ay u fahansan tahay Jubbaland, waxa uuna Mr Michael Keating Axmed Madoobe u sheegay in ujeedkiisa uu yahya in isbedel laga sameeyo khilaafka isku bedelay mindi mindi ku taaga ah.
Michael Keating waxa uu soo dhaweeyay dhamaan qodobada ay kawada hadleen isaga iyo Axmed Madoobe, balse waxaa xusid mudan in Axmed Madoobe uu isna soo dhaweeyay in isbedel la sameeyo misna uu dhankiisa ka muujiyo tanaasul aan horay looga baran.








