Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la leh guddoonka Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow tegay xarunta Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa labaad.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka, siiba dooda ka taagan.

Sidoo kale waxaa la filayaa shirka kadib in Madaxweynaha Jubbaland uu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee maanta, kaas oo su’aallo ay ku weydiin doonaan Senatorada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare , taas oo uu uga hadli doono arrimaha Jubbaland, xaalada dalka iyo safarkiisa.

Si kastabta ha’ahaatee waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni oo isna warbixin laga dhageystay.