Turkey oo ku dhowaaqday ‘inuu waqti un naga xigo’ dagaal ay la gasho Greece

Ankara (Caasimada Online) – Madaxa Xisbiga Dhaq-dhaqaaqa Qaranka (MHP) ee Turki Devlet Bahçeli ayaa shaaca ka qaaday in dagaal ay la galaan Greece “uu waqti un naga xigo”, waxaa sidaas weriyey wargeyska The New Khaleej.

“Waa wax aan lagu fikiri karin inaan dhabarka xejino danaheena taariikhiga ah ee badaha Mediterranean iyo Aegean,” ayuu Devlet Bahçeli ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Waxaa muuqata in damaca iyo rabitaanka Greece ee badda uu mar kale soo kacay, taasi oo macnaheedu yahay in dagaal ka dhaca badda Mediterranean uu waqti un naga xigo.”

Waxa uu intaas ku daray “Hadafka Greece waa inay mar kale yimaadaan oo ay qabsadaan dhulkeenna, oo aan ka ceyrinay 98 sano ka hor. Waxaan wajaheynaa duullaan cusub.”

Devlet Bahçeli oo isbaheysi la ah xisbiga talada haya ee AKP ayaa sheegay in mowqifka iyo hab dhaqanka Greece ay go’aamin doonaan halka ay ku dambeyn doonto xiisadda sii kaceysa iyo in iska horimaad uu dhici doono.

Turkey iyo Greece ayaa isku haya xuduudda badda Mediterranean ka iyo xuquuqda aag la rumeysan yahay inuu qani ku yahay kheyraad dabiici ah.

Khamsiitii, madaxa gaashaanbuurta NATO ee labada dal ay ka tirsan yiihin, Jens Stoltenberg ayaa ku dhowaaqay in Greece ay ogolaatay inay wada-hadallo la gasho Turkey si xiisadda loo qaboojiyo.