Deni iyo Axmed Madoobe – Miidaamo dhego ma leh hadduu malag dhawaaqaayo

Imaantinka Madaxda Puntland iyo Jubbaland ee Caasimada Muqdisho waxuu astaan u yahay u dhaga-nuglaanta amarada iyo hanjabaadaha Beesha Caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo Wakiilka QM ee Soomaaliya!

Soo dhoweyn heerkeedu aad u sareeyo ayaa loogu sameeyey Garoonka Muqdisho Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe, taasoo ay ka dhalan kartay khatar amni, kaddib markii ilaalo aad u hubaysan oo daacad u ah madaxdan iyo shacab tiro badan ay ku xoomeeyn barta ay cagadhigtaan diyaaradaha, taasoo aan waafaqsaneen sharciyada amaanka Garoomada Caalamka!

Jidadka caasimada Muqdisho oo la qabiro (xiro) ilaa meed tunka lagu sito, kaddib markii la waayay dhabo la mariyo iyo xoogsato cagta maalay si ay u tagaan goobahooda shaqo, ayay marti gelisay Xamar Cade. Hadabba waxaa su’aal mudan in laga jawaabo, maxaa kalifay in la kadeedo shacabka la daaladhacaya daruufaha iyo tabaalaha aduun? Mase mudnaayeen in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe loo geliyo “Taaj” aysan falkin!

Kulamo ku qabsoomay xeendaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa madax ku dhego adkaa madaxtooyada Soomaaliya, santaagna ka muujiyay inay qayb ka noqdaan kulankii saddex ee Dhuusamareeb, ayaa dhegaha loogu shubay dhawaq dhiilo ku abuuray, kaasoo ahaa inay Villa Soomaaliya kala shaqeeyaan dhamaystirka iyo fullinta go’aamaddii Dhuusamareeb sida ku cad qoraal la soo dhigay barta safaarada Maraykanka.

Ka hor inta aysan hor fadhiisan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe ayaa Muqdisho ka bilaabay xodxodasho siyaasadeed oo ay ku baadigoobayaan xulufo ay hore ugu lumiyeen la hariifankii Banaadir.

Waxaa gudoonka Aqalka Sare hadal-jeedin ka hor sameeyey Mudane Saciid Deni, waxuu qiray in Aqalka Sare uu matalo danaha Maamul Goboleedyadda ayna u gardhiibteen, taasoo ka hor imaanaysa cododka keydsan ee uu ku ciladeyn jiray go’aamada ay gaaraan senatoradda Aqalka Sare.

Sidoo kale, Mudane Saciid Deni waxuu la kulmay xildhibaanada iyo wasiirada federalka ku matala Puntland, waxuu kala hadlay arrimaha doorashooyinka, waxaa xusid mudan in uu horey Mudane Saciid Deni ugu tilmaamay xildhibaanadan kuwo matala nafsadooda, halka wasiirada federalka aanba laga tixgelin madaxtooyada Garoowe amase loo diido inay cagdhigaan maamul-goboleedkii ay matalayeen.

Mudane Saciid Deni waxuu kulan la yeeshay Madaxweynihii hore Xassan Sheikh oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada. Shirka waxaa ka soo muuqday Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo la aaminsan yahay inuu yahay maskaxda ka danbaysa kulamadan silsilada ah ee uu Mudane Saciid Deni ka wado gudaha Muqdisho.

Kulan ay albaabada u xiran yihiin ayaa August 31, 2020 magaalada Garoowe ku dhexmaray Mudane Saciid Deni iyo Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo booqasho gaaban ku tagay Puntland, xilli Xamar laga sugayey Mudane Saciid Deni. Isku maalin ayay labaduba ka soo dageyn Garoonka Muqdisho, balse isku duulimaad ma aysan aheyn!

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa rumaysan in cabdiraxmaan Cabdishakuur u gudbiyay Mudane Saciid Deni fariin shisheeye oo aan u adeegayn danaha Soomaaliya, lagana cabsi qabay inay dhagaysi ku samayso NISA haddii lagu tabiyo isgaarsiinta.

Baaqashada kulan casho ahaa oo ay agaasintay madaxtooyada iyo furitaanka wadahadalka oo shardi looga dhigay in gobolka Gedo laga soo saaro ciidamada federalka waxay u muuqataa xeel siyaasadeed ay ciyaarayaan Deni iyo Madoobe, si ay u helaan waqti ku filan oo ay ku kala furfuraan xildhibaanada oo noqday geed-fadhiga heshiis kasta oo ay isla meel dhigaan hay’adaha fulinta federalka iyo tan gobolada.

Imaantinka Mudane Axmed Madoobe waxuu abuuray kulamo iyo shirar ay hoteelada Xamar ku qabanayaan siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Jubbaland, kuwaas oo diidan hanaanka lagu doortay Mudane Axmed Madoobe iyo farogelinta Kenya. Waxay soo dhoweeyeen shirka dib-u-heshiinta ee la qorsheeyey inuu ka dhaco Degmada Garbahaarey si beelaha dega Jubbaland u dhistaan maamul loo siman yahay.

Dhanka kale, laamaha caddaalada waxay ka codsadeen in galalka dacwada ee xeer ilaalinta ka yaala Mudane Axmed Madoobe laga su’aal weydiiyo. Eedamahaas waxaa ka mid ah, salaadiin, waxgarad, iyo ganacsato lagu laayay gudaha Kismaayo, kuwaas oo mucaarad ku ahaa Mudane Axmed Madoobe.

Arrinka xiisaha leh, ayaa ah in Mudane Saciid Deni ka hor sheegay gudoonka Aqalka Sare inay diyaar u yihiin inay bilo sii joogaan Xamar, haddii lagu gaarayo wada ogol doorasho lagu aado!

Hadabba hadayba ogol yihiin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowladda, maxay ku diidayn in la dhaqan geliyo sharciga doorashada qof iyo cod?

Madaxweyne Farmaajo waxuu guul u arkaa in dalka ay ka dhacdo doorasho ay hay’addaha fulinta (xukuumadda iyo maamul goboleedyada) ku leeyihiin wax aan ka badaneen sugida amniga iyo fududeynta hawlaha. Halka ay Mudane Saciid Deni iyo Mudane Axmed Madoobe baadigoobayaan mid la mid ah xulashaddii qabiilka ee 2016. Xigmad Soomaaliyeed ayaa odhanyasa “Miidaamo dhego ma leh hadduu malag dhawaaqaayo!

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid