Sawirro: Axmed Madoobe oo maxkamad soo taagay askartii ka hor-timid (Aqri)

Kismaayo (Caasimada Online) – Askar ka tirsaneyd ciidamada maamulka Jubba oo lagu eedeeyay inay amni darro ka wadeen magaalada Kismaayo oo dhowaan lagu qabtay dagaal dhex maray ciidamada maamulka ayaa maanta la soo taagay maxkamad ciidan.

Dacwad lagu soo oogay askartan ayaa waxa dhageystay Maxkamada ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana 13 askari oo ka tirsana Ciidamada Jubaland inay ku Hhshiiyeen fal Dembiyeed halis ku ah nabadgelyada.

Mid ka mida askartan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdulalahi lagu soo eedeeyay inuu si bareer ah dil ugu geystay Nabadoon Xasan Goolow Muxumed, iyo askariga kale ee Cabdifatax Axmed Aadan oo lagu soo eedeeyay inuu gacan ku siiyey dilka nabadoonka.

Askarta kale ee lasoo eedeeyay waxaa ka mida:

  1. Labo xiddigle Aadan Dhuubow Ibraahim
  2. Maxamed Muxumed Xaad
  3. Cabdi Cali Carte Qalinle, oo ka tirsan Ciidamada Booliska,Nabadsugidda iyo Daraawiishata Jubbaland.

wejiga labaad ee dhageysiga dacwada ayaa loo ballamay 6-da Novembar