Qorshaha ka dambeeya 20-ka xildhibaan ee ka tirsan Koonfur Galbeed ee soo gaaray Muqdisho maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulk Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ujeedka safarkooda kasoo baxayaan warar kala duwan.

Illo wareedyo ku dhow dhow xildhibaanadaas ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay inay Xildhibaanadaas casuumaad ka heleen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maadaama ay soo dhawaatay waqtiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanadaan ayaa la filayaa inay maalmaha soo socdo Muqdisho kulan qarsoodi ah kula qaataan Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegayo in Xildhibaanadaas la siin doono lacago iyo ballan qaadyo haddii ay ka shaqeeyaan in meesha laga saaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegayo inay ujeedada ay u yimaadeen Xildhibaanadan Koonfur Galbeed ka tirsanay  tahay wadatashi ay la yeelanayaan Xildhibaanada Federalka ee jooga Muqdisho, kana soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, si isbaheysi siyaasadeed loogu qaado Shariifka meeshana looga saaro.

Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka taagan Magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxana Magaaladaasi ku sugan musharaxiin aad u badan oo qaarkood dowladda ay gadaal ka riixeyso.

Golaha Iskaashiga Maamul Goboleeedyada ayaa horey dowladda ugu eedeeyey inay faragelin ku heyso doorashooyin Koonfur Galbeed.

Maamulka Jubbalanad ayaa Maanta ku dhawaaqay inaysan Dowladda Soomaaliya soo faragelin karin doorashada Jubbalanad isla markaasna uusan Garoonka Diyaaradaha kasoo dagi karin musharax wata baabuurta aan Xabadda karin.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay magacyada 17 kamid ah Xildhibaanadii Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

  1. Xildhibaan Cabdirashiid Shiikh Axmed Xasan
  2. Xildhibaan Barre Aadan Cabdi
  3. Xildhibaan Cabdiladhif Maxamed Cabdi
  4. Xildhibaan Aamina Cusmaan Isaaq
  5. Xildhibaan Kuuriye Xasan
  6. Xildhibaan Kheyre Maxamed
  7. Xildhibaan Canab Cabdullaahi Jumbur
  8. Xildhibaan Aweys Cali Xasan
  9. Xildhibaan Saynab Ismaaciil Axmed
  10. Xildhibaan Cusmaan Cabdi Muuse
  11. Xildhibaan Yuusuf Cabdinur Suuri
  12. Xildhibaan Aadan Maalin Mustaf
  13. Xildhibaan Aadan Maxamed Cusmaan
  14. Xildhibaan Xaawo Maxamed Ibraahim
  15. Xildhibaan Maxamed Suldaan Maxamuud
  16. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cabdi
  17. Xildhibaan Cabdisalaan Cabdullaahi Baasey

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com