Sawirro: Baarlamaanka Jubba oo go’aan gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ka dhacay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Baarlamanka Maamulka Jubbaland kaasi oo codka loogu qaadayay codsi Madaxweynaha Maamulkaasi uu hordhigay Baarlamaanka kaasi oo la xiriiray in muddo kordhin loo sameeyo xiliga uu kusoo dhisaayo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo waxaana soo xaadirtay 59 xildhibaan, waxaana la guda galay ka doodista wakhti u kordhinta uu dalbaday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.

Dood iyo falanqeyn dheer kadib, ayay xubnaha Baarlamanku aqbaleen codsigii Madaxweynaha ee ahaa in wakhtiga loo kordhiyo.

Madaxweynaha ayaa waxaa u codeeyay 54 kamid ah 59 mudane ee soo xaadirtay kulanka, waxa uuna sidaa Baarlamaanka ugu daray Axmed Madoobe muddo 2 bilood ah.

Waxaa codeyntaasi ka aamusay Seddex mudane, halka labada soo hartayna ay diiden codkooda, waxa ayna sidaa guusha ku raacday Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kulankaani ayaa noqonaaya kulankii labaad uu Baarlamaanka codka kusiinayo Axmed Madoobe waxaana la filayaa inta aan la gaarin mudada loo qabtay uu kusoo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa iminka wada wada-hadaladii ugu danbeeyay oo uu kula jiro Siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo oo la filaayo inay kamid noqdaan Wasiirada cusub ee uu dhawaan ku dhawaaqi doono.

caption]

[caption id="attachment_182365" align="aligncenter" width="759"]