Sawirro: Baarlamaanka Puntland oo go’aan ka gaaray wax ka beddalka dastuurka

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn go’aan culus ka gaaray wax ka beddalka Dastuurka maamulkaas oo ay si weyn isugu hayeen madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee Puntland.

Kulanka golaha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka  1-aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana sidoo kale soo xaadiray 35 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland.

Ajendaha kulanka yaa ahaa soo jeedinta wax beddalka Dastuurka Puntland oo ay golaha u soo gudbiyeen guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa galay doodda ku aadan ajendaha, waxaana ogol ugu codeeyay 34 mudane, sidoo kale waxaa diiday 1 mudane, mana jirin cid ka aamustay, sidaasna waxaa ansax ku noqday soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka.

Tani ayaa ka dhigan in xubnaha baarlamaanka ay si toos ah uga doodi doonaan qodobada Dastuurka ee wax laga bedeli doono sida sharcigu qabo, maadaama la meel mariyay.

Tallaabada uu qaaday baarlamaanka Puntland ayaa uga sii dareysa xiisadda hada ka taagan Garoowe oo maanta dagaal isku rogtay, kadib markii ay isku dhaceen ciidanka ammaanka iyo kuwa mucaaradka oo diidanaa in la furo Dastuurka oo ugu dambeyn la meel mariyay.

Dagaalka maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadan go’aanka ay gaareen xildhibaanada baarlamaan goboleedka Puntland.

Si kastababa, Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo hubanti la’aan ah, maadaama gacan ka hadal uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi.