Sawirro: Baradhada, qamadiga iyo tuunta oo gudaha Somalia ka baxay (GUUL)

“Hadafku waa Badhaadhaha Dadkeena”. Soomaaliya waxaa dhulbeereeda kuhaboon Beerasho siddeed milyan iyo bar oo hektaar (8.5 million hector) dherarka xeebteedu waa 3333km, waxa kuduugaan Macda aan Weli Lala Soo Bixin, Shidaaal aan weli lataaban. Taasoo hadii sicilmeyeeysan loosoo Saaro xalin karta dhibaatooyinka Soomaliya heysta ee” Faqriga, Abaaraha, shaqa la, aanta, Amni Daradaba.

Waxaa Laxaqiijiyey in muda gaabaan horumarka dalku kuhirgeli Karo   keliya  Maalgelin Lasoo Bixida  Kheyraadka  ayadoo Tilaabo walba Cilmi maaris Lagu saleynayo.

waxaa Cilmi baaris lagu tijaabiyey bixitaanka Baradha, Qamadi iyo toon Ayadoo laga jawaabaya Cunta yarida kajirta dalka Laguna Joojinayo unoglaanshaha abaaraha, fursad maalgshina lagu abuurayo, laguna Darayo Dalagyada Istaraaatiijiyada ee dalku leeyahay sida (Galay, messega, Sisinta, bariis, muuska, igirta, yaanyada, babaayga, lowska, Canbaha. Liinta & bariiska . Ayadoo hadii La Iskaaa kaaashta Hirgelinya aaysan Baasta, Bur, Baradha & Toona aaysan Dibadda Nooga Imaaneeyn

Cilmi baaristaan Lagu Raadinaayo Kordhinta  Dalagyada aasaasiga ee dalku leeyahay ayaan Tababar siiney ardada Barata  ee Jaamacada Soomaliya ,ardada Barata Beeraha  ayadoo uu hormuudka kuliyada beeraha  mudane kulane goob jog ka ahaa  .

Maadaama  Cilmi baaristii  Lasameeyey  waagii dowladii dhaxe  aanan gacanta lagu heynin sida aan kaxiqiiqsaney wasaaradda beeraaha, Wasiirkii hore wasaaradda beeraaha Ahmed baafo,  khubara kale ee beeraha baratay,Sargaal sare ee Hay’adda FOA  (Rubby Khan) iyo  Heyada SATG (Dr Hussein Ma’ow)

waxaan yoolka la saanrey Sidii Looga mira dhalin lahaa beerashada Dalagada aan noo bixin een dibadda nooga yimaada sida  Baasta, Burka,   Toonka & zajibiilka.

Habka iyo Goorta abuurka

  • Tababarka sida loo beero waxaa uu dhacay Maalin khamiis 06/10/2016 Xorunta jaamacadda.
  • Nooca Carada/Ciida waa dhoobeey oo Magaalada Muqdisho Dhaxdeed
  • Cimiladu waxaay Udhaxeysey 28-26 0 hadda
  • Biyaha Macaan ee Tuubada ayaaa lagu waraabiyey.
  • Lama Isticmaalin daawo ama nafaqa weli.
  • Waxaa lagu beerey Jamacad Soomaaliya 08/10/2016

Natiijada Baradhadu waxaaa kusoo baxday 12-15 cisho, Qamadiga 3-4 cisho, meesha Toontu aay kusoo baxday 6-8 cisho, ayagoo dhammaan Caafimaad Qabta, Xoogan, Lana Mid ah kuwa kabaxa daafaha adduunka

Waxaa Noo cadaatey In aay Soomaali  kabaxayaan dalagyadaan Loona baahanyahay in  Cilmi  baaris dheeraad lageliya Lana Iska kaashada.

  1. Tijaabadan Cilmi baadhistani waxaa Lagu ogaadey In Saameeyn &  Xiriir weyn   kadhaxeeya, Bixid la,aanta Dalagyada aan kabixin Dalka & Kutiirsanaanta Shisheeye.
  2. Wadama Horey Loo Xaqiijiyey Ineeysan kabixin Qamadi sida suudaan ayaa Dib loo xaqiijiyey Ineey Kabaxdey Keliya waxaa Loo baahanyahay Maalgelin sidii Loo tayeen Lahaa Waxa Soo baxa.
  3. Soomaliya waxaaay Kamid taahay wadama aay qamadiga sida wanaagsan uga baxdo
  4. Waxaanu Ogaaney Mira dhalkastaa oo Cilmi baaris  Lagu sameynayo dalka kuna aadan Waxsoo Saarka dalka Ineey Sir Noqdaan, soomalina Ku Ekaata iyo dalalka aan saaxiibaha nahay.
  5. Wacyi gelin Kooban Kadib waxaa noo cadaatey In shacabku Beeranayaaan Hadii Lasoo Kordhiya dalagy Kale taasoo Laga Ogaan Karo Meelaha Ugu wanaagsan Dalagyada Mustaqbalka sida Vanilla, baradhada, Toonta , Qamadiga .

 Waxaan baaq Udireyaa Wasaaradda beeraha & Ganacsaatada , Kuliyadaha beeraha,Iskaashatad Beeraha, Qurbajoogta, Heeyadaha cilmi barista & Aqoonyahanada  dalka, & NGO-yada ineey  Ujeedsadaan sare uqaadista wax soo saarkeerka Lana Iska Kaashado sidii Looga Mira dhalin Lahaa Kafaa’ideysiga Beeraheena, Macdanta, Kaluunka &  Miskaxdeena.

Shaafici Yuusuf Cumar
shaficyusuf@gmail.com
Wadani Soomaaliyeed

+252-616-977-129
+252-615-768-281