Muqdisho (Caasimada Online) – Hoteel Naasa Hablood2 ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu qabtay kulan ay ka soo qeyb galeen siyasiyiin badan sida Cali Maxamed Geedi, wasiiro, xildhibaano iyo Immaamka Beesha Mudulood waxaana halkaas tanaasulaad kaga dhawaaqay Xuseen Cabdi Xalane oo ka mid ahaa raga u tagna qabashada xilka Ra’iisul wasaraha Soomaaliya.
Xuseen Cabdi Xalane oo si weyn loo hadal hayay inuu ugu cadcad yahay qabashada xilka Ra’iisul-wasaaraha ayaa munaasabada ka sheegay inuu danta guud ee dalka markii uu arkay isaga tanaasulay islamarkana uu soo dhaweynayo doorashada madaxeynaha ee Cumar C/rashiid oo loo magacaabay ra’iisul wasaare.
Xuseen Cabdi Xalane wuxuu mnaasabada ka sheegay inuu la shaqeyn doono xukuumada cusub islamarkana uu wax kasa ka hormarinayo danta guud ee dalka si looga baxo dhibaatada wali dalka ka sii taagan.
Sidoo Kale, Cali Maxamed Geedi ayaa isna hadal uu jeediyay wuxuu ku amaanay talaabada fiican ee uu qaaday Xuseen Cabdi Xalane oo intii ka soo qeyb gashay ay mar kaliya kor u qaadeen iyagoo ugu hamalyeynayay go’aanka uu qaatay.
Dhanka kale, waxaa isna hadlay imaamka beelaha Mudulood Imaam Maxamed Yuusuf Cali kaasoo soo dhaweeyay hadallada ka soo baxay Xuseen Cabdi Xalane oo hada ka mid ah xukuumadii dhacday.
Si kastaba, kullanka ayaa u muuqday mid beesha Muddulood ee uu madaxweyne Xasan Sheekh kasoo jeedo ay ku qancineysay Xuseen Cabdi Xalane, oo sida la rumeysan yahay xilkaas horey looga ballan qaaday.
Daawo sawirrada kullanka











Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

