Sawirro: Booliska oo soo bandhigay shabakadii ugu halista badneyd Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha kale ee ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay rag badan oo ku dhowlanaa dhaca dadweynaha Muqdisho.

Ragga lasoo bandhigay ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka fuliyeen degmooyinka Dharkenley, Wadajir, Garasbaaley iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Waa 16 eedeysane oo loo heysto inay geysteen falal isku jira dil, dhaawac iyo dhac dadweyne, kuwaas oo hadda lasoo bandhigay iyagoo maxaabiis ah.

Ragga lasoo bandhigay waxaa ku jira shabakado abaabulan oo burcad ah, taliska booliska ayaa sheegay baaritaan uu ku socdo eedeysanayaasha, iyadoo baaritaan kadibna Maxkamad la horgey doono.

Sawirrada 16-kaan eedeysane oo magacyadooda iyo dunuubta loo heysto lagu soo dul qoray ayuu baahiyey booliska Soomaaliya oo gacanta ku haya ragaas.

Ragga lasoo bandhigay qaarkood waa odayaal, sidoo kale intooda badan waxay ku hubeysan yihiin tuutaha ciidamada dowladda iyo qoryo AK 47 ah, halka qaarkood ay wataan Tooreeyo ay dadka ku dhici jireen.

Booliska ayaa sheegay in la hayo taleefano lacag iyo agab kale oo ragaan ay ka soo dhaceen dadkii lahaa, qof kasta oo wax laga dhacay ayaa lahu war-geliyey in booliska uu la xiriiro.

Muddooyinkii dambe booliska Soomaaliya ayaa go’aansaday in la fadeexeeyo oo bulshada loo soo bandhigo qofkii qalad gala ee muteysta xarig, waxaana lagu sawiraa astaanta booliska isagoo maxbuus ah, waxaana bulshada lala wadaagaa dembiga loo heysto.

Hoos ka eeg sawirrada ragga lagu soo qabtay dhaca dadweynaha Muqdisho.