Dowladda oo war cusub ka soo saartay tirada Shabaab-kii lagu laayey CEEL-DHEER

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Deegaanka oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku hawlanaa baadi goobka haraadiga Khawaarijtii lagu laayay dagaalkii ay ku jabeen ee ka dhacay degmada Ceeldheer ay heleen meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijtii soo weerartay magaalada waaberigii Sabtidii tagtay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro maleeshiyaad ah, intii lagu jiray baadigoobka iyo sifeynta Khawaarijta dagaalkii Ceeldheer kadib, sida lagu sheegay warkaan ka soo baxay dowladda.

“Ciidamada Dowladda ayaa ku hawlan aasidda meydadka la helay, waxaa sidoo kale ay sii wadaan hawlgalka uruurinta, maadaama ay jiraan maleeshiyaad kale oo dhaawac ahaa oo daryeel xumo qaarkood u dhintay, wadarta guud ee maleeshiyaadka la dilay ayaa ilaa hadda kor u dhaafay 60 xubnood oo ay Horjoogayaal ku jiraan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda qaldeen Al-Shabaab in ay kala soo baxaan.

“Dowladda waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, dhalinyarada ay qaldeen waxa ugu yeeraynaa in ay si deg deg ah uga soo baxaan nabad-diidka arxanka darran, inta aysan ku bixin gacanta Ciidinka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka, si lamid ah kuwii la midka ahaa ee alle ku ciqaabay gacanta ciidamadeenna,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Warbaahinta dowladda ayaa barta Telegram ku faafisay sawirrada meydadka kooxda Al-Shabaab ee shalay lagu laayey duleedka Ceeldheer, kuwaas oo saraakiil la aqoonsaday ay ku jiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay lagu jebiyey weerar gaadmo oo ay ka fulisay degmada Ceeldheer, kadib markii ay aad u dagaalameen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Ceeldheer.

Dhowr jidgooyo ayaa loo dhigay kooxda Al-Shabaab markii ay ka firxadeen Ceeldheer oo looga taag roonaaday, taasi oo sababtay in lagu laayo dhulka howdka ah oo meydadkooda ay weli daadsan yihiin, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.