DF oo war culus ka soo saartay mashaariic ay Puntland joojisay oo hadda dib loo fasaxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dib u bilaabista mashaariicdii hormarineed ee ka socotay deegaanada dowlad goboleedka Puntland oo joogsaday wixii ka dambeeyey dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday deegaanada Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay, balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

Wasiir Beenebeene ayaa hadalkiisa sii raaciyay  “Mashaariicdani waxay muhiim u yihiin kobcinta horumarka waara iyo xaqiijinta mustaqbal adkeysi leh dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Mashruuca Barwaaqo, oo ah mashruuc  dhammeystiran oo ku saabsan maareynta biyaha iyo horumarinta kaabayaasha, iyo mashruuca SFSRP oo ujeeddadiisu yahay  in lagu xoojiyo nidaamyada cuntada ayaa dhammaan laga hirgeliyaan dowlad goboleedyada, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqamada beeraha.

Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka, balse dowlad  goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada uu ka arrimiyo markii uu xumaaday cilaaqaadkii kala dhexeeyey dowladda federaalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaa ka go’an in aan la siyaasadayn hawlaha gargaarka iyo horumarinta ee dalka oo dhan, waxaana ku dadaaleynaa in mashaariicdan loo fuliyo si hufan oo caddaalad a,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta DF.

Wasiir Beenabeene ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in la gaarsiiyo mashaariicda hormarineed ee dalka kuwa u baahan, iyadoo oo aan loo eegin aragtiyo siyaasadeed.

Mashruuca Barwaaqo waxaa daahfuray Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Janaayo 2023, waxaana xigay Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) bishii Juun 2023.