SAWIRRO: Burcada South Africa oo qaab cusub u weeciyay Dagaalkii ay kula jireen Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaasi uu ka bilowday waji cusub oo ay Muwaadiniinta dalkaasi u dhashay kula dagaalamayaan Soomaalida dalkaasi ku nool.

Dhacdadaani cusub oo ah afduub lagu hayo Ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ku nool, ayaa bilaabatay Bishii lasoo dhaafay ee April oo dalka South Africa ay ka dhaceen Rabshado ajaanib naceeb ku saleysnaa, ayaa tan iyo xiligaas wixii kadambeeyay ay dowladda dalka South Africa bilowday howlgal balaaran oo lagu qab qabanayo ajaanibta sharci darada ku jooga dalka South Africa kuwaas oo sida ay sheegtay dowladu laga tarxiili doono dalka.

Wararka ka imaanaya magaalada Port Elizabeth ee gobolka Eastern Cape ayaa sheegaya in maalinimadii shalay uu halkaasi ka dhacay howlgal aad u balaaran kaas oo sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah lagu qabqabtay dad badan oo sharci la’aan ah, waxaana Howlgalkaasi barbar socda Afduubyo loo geysanaayo Soomaalida iyadoona Burcadu ay iska dhigayaan Ciidamada dharcada ah sidaana xoog ugu kaxeysanaayo Ganacsatada.

Wasaarada arrimaha gudaha ee dalka South Africa ayaa shaacisay inay la socto howlgalka iyo qafaalka barbar socda, balse waxa ay sheegtay inay ku guda jirto sidii looga hortagi lahaa afduubka sida qarsoodiga ah looga geysanaayo Ganacsatada.

Dhacdadaani ayaa murugo hor leh ku beertay Soomaalida ku nool dalka South Africa oo iyagu marba boob cusub u ah marti.
1

2

3

4

5

6

7

8