Sawirro: Buug laga qoray nolosha Jeneral Gaafow oo lasoo bandhigay

Waxaa galabta Hotelka Dayah ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay buug loogu magac daray Xasuusqorkii maalmihii Nolosha Jeneraal Xildhibaan Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, waxaana buugan qoray Cabdicasiis Xildhibaan oo kamid ah qorayaasha Soomaaliyeed.

Munaasabada buugan lagu soo bandhigayay waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Siyaasiyiin, Saraakiil, Fanaaniin, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Qoraha buuga Cabdicasiis Xildhibaan oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in buugan ugu tala galay sidii dhalinta iyo bulshada Soomaaliyeed uga faa’iideesan lahaayeen taariikhda iyo nolosha dadka waxgalka u ah bulshada Soomaaliyeed uu kamid yahay Jeneraal Gaafoow.

Munaasabada waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ay kamid ahaayeen Xildhibaan Fiqi iyo Dalxa, waxa ayna labada Xildhibaan sheegeen in Jeneraal Gaafow uu wax badan soo qabtay uuna yahay halyey wax badan u taray bulshada Soomaaliyeed muhiimna tahay in taariikhdiisa iyo waxtarkiisa bulshada loo soo bandhigo .

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada taariikhda iyo nolosha Jeneraal Gaafow inta buuga ku qoray ay ka badan tahay balse lasoo koobay, waxa ayna ku baaqeen in wax badan laga qoro nolosha halyeeyada Soomaaliyeed si ay wax uga bartaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn Munaasabada buugan lagu soo bandhigayay waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdulaahi Gaafow Maxamuud, waxa uu u mahad celiyay qoraha buugan noloshiisa looga sheekeenayay ,waxa uuna xusay in buuga laga qoray ku xusan yihiin waayihiisa iyo taariikho badan uu leeyahay.

Gaafow ayaa sheegay in 40-sano ka badan usoo shaqeenayay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray uuna lasoo shaqeeyay Madaxweynayaal badan , waxa uuna dhiiro galiyay in wax laga qoro nolosha dadka waxgalka ah si ay wax uga bartaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dadkii kala duwanaa ee munaasabadan ku sugnaa  ayaa aad ugu riyaaqay buugan ay ku xusan yihiin taariikho iyo sheekooyin xiiso badan oo looga hadlayay nolosha Jeneraal Xildhibaan Cabdulaahi Gafaow  oo wax badan usoo qabtay Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.