Sawirro: Cali Mahdi, Shariif iyo Xasan oo Muqdisho kula kulmay Waare + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay kulan ay yeesheen hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ahna madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed iyo madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay bogga Madaxda Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay xaladda guud ee siyaasadda dalka iyo shirka beelaha Mudullood oo todobaadkan lagu wado in uu ka furmo Muqdisho.

“Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Dalka, Marxaladda Siyaasadeed ee ku gedaaman dadka gobolka Banaadir iyo Shirka Mudullood oo Isniinta ka furmaya magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maalmihii dambe kulamo ka waday magaalada Muqdisho, iyagoo maalin ka horna xaruntooda ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweynayaasha Hir –Shabeelle iyo Galmudug ayaa todobaadkii hore soo gaaray Muqdisho, waxayna ka bilaabeen kulamo siyaasadeed, arrinta ugu weyn ee dadaalka ay ugu jiraan ayaa ah sidii ay talo ugu yeelan lahaayeen Ra’iisul wasaaraha cusub ee lagu wado in dalka loo soo magacaabo.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa isna maanta  soo gaaray Muqdisho, waxuuna sheegay inta uu joogo Muqdisho inuu dowladda dhexe la kashan doono, sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Shabeellada Hoose.