Xog: Arrintii yaabka laheyd ee maanta ka dhacday Villa Somalia ee keentay in xilka laga qaado C/risaaq Caato

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa sababtay keentay xil-ka-qaadistii galabta lagu sameeyey xoghayihii ku meel gaarka ahaa ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdirasaaq Xuseen Aadan, kaas oo xilkan loo magacaabay todobaadkii hore.

Xubno ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in sababta xilka looga qaaday Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Caato) ay la xariirto xad-gudub galabta lagula kacay Yaxye Cali Hareeri oo ka mid ah ragii sida aadka ah ugu dhawaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Yaxye Cali Hareeri oo watay gaari kuwa aysan xabadu karin ah ayaa maanta hooygiisa ugu tegay Xasan Cali Kheyre, waxaana markii uu ka soo laabtay lagu celiyey afaafka hore ee madaxtooyada.

Yaxye Hareeri waxaa la sheegay in askar ka amar qaadaneysay Cabdirasaaq Xuseen ay gaarigiisa isku geedaameen, isla markaana ay ku amreen in asaga iyo darawalkiisaba ay ka degaan, iyagoo sidaas ula wareegay gaarigii Hareeri.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin aad uga carooday arrintaas ayaa u tagay Madaxweyne Farmaajo, iyagoo u sheegay in aanay u dulqaadan doonin hab-dhaqanka lagula kacayo raggii la shaqeyn jiray Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Si gaar ah waxaa la sheegay in xubnahaasi ay madaxweynaha uga cabteen hab-dhaqanka Cabdirasaaq Xuseen oo loo yaqaano (Cabdirasaaq Caato) oo ahaa xoghayaha KMG ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo ay sheegeen in uu baacsi joogto ah ku hayo ragii lasoo shaqeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Kheyre.

Isla galabtaba Madaxweyne Farmaajo waxa uu la xariiray sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka dalbaday in Cabdirasaaq Caato uu si deg deg ah u bedelo.

Durbadiiba Mahdi Cuuleed ayaa sidaas xilkii uga qaaday Cabdirasaaq Xuseen Aadan (Cabdirasaaq Caato) isagoo si ku meel gaar ah xoghayaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu magacaabay Cabdiraxmaan Mucaawiye oo horay u ahaa ku-xigeenka xoghayaha joogtada ee xafiiskaaas.