Sawirro: Ciidamada Amisom oo maanta la wareegtay garoonka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug saaka gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal.

Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeesa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiil ayaa ciidankan ku soo dhoweeyay magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha  dowladda ee ku yaalla Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa ay dageen gudaha garoonka Ugaas Nuur ee magaaladaasi, si ay sugaan amniga garoonkaasi.

Horay ayaa waxaa magaalada ugu sugnaa ciidamada badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan shirka dib u heshiisiinta iyo doorshada Galmudug lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com