Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo kulan xasaasi ah la qaatay ku xigeenadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay labadiisa ku xigeen ee dhanka amniga iyo maaliyadda gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardargalin lahaa howlaha dowladda hoose ee Xamar.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xoojinta isla xisaabtanka iyo arrimaha la dagaalanka musuq maasuqa.

Filish shirka uu la qaatay labadiisa ku xigeen ee Mahad Alle iyo Tuulax ayaa noqonaya kii ugu horreeyey, tan iyo markii  uu xilka la wareegay 29-kii bishan August, kaddib munaasibad xilli Habeen ah ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Gobolka Banaadir ayaa waxaa tan iyo markii uu ka dhacay qaraxii lagu dilay Marxuum Injineer Yariisow waxaa gaabis ku yimid howlihii shaqo ee dowladda hoose Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com