Sawirro: Ciidamada DF oo degaano cusub kala wareegay dagaal-yahanada Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay lw areegeen deegaano dhorw ah oo ka tirsan gobolka Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Howl-galladan oo uu horkacayey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadu ay kula wareegeen deegaanada War Dhagax, Warciise, Gal Leef, Qoor Dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban, kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday inay jab xoogan iyo khasaare ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii ku sugnaa deegaanadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay fariisimo cusub ka sameysteen deegaanada ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, iyadoo laga cabsi qabo inay soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo beryahaan ku sugnaa gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa baabul iyo dhaq dhaqaaqyo milatari ka waday deegaano ka tirsan maamulka HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyaga oo weeraro culus kasoo abaabulay deegaanada ay heystaan ee HirShabelle.