Sawirro: Ciidamada DF oo fashiliyay weeraro qaraxyo ah

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

Howlgalladan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Guutada 19-aad ee Gumac iyo ciidanka Macawiisleyda oo isku fidiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo iyana ku sugan halkaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay soo saareen miinooyin ay kooxda ku aastay deegaanada Daaru nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka u ahaa in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.

“Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay khawaariijtu damacsanaayeen in ay ku dhakraan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli goobaha howlgallada laga fuliyay ku sugan ciidamada huwanta oo sii baacsanaya maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Dhowaan ayay ahayd markii ay kooxdu weerar toos ah ku qaaday Daaru-Nimca, kaas oo ay muddo kooban kula wareegtay deegaanka, kadibna dib looga saaray.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay dagaalyahanada Al-Shabaab, maadaama wajigii koobaan deegaano dhaca gobolkaasi looga xoreeyay.