Halis ku wajahan Somaliland oo laga digay – Maxay tahay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa digniin culus kasoo saaray halis la saadaalinayo inay ku wajahan tahay deegaanada maamulkaasi, taas oo la sheegay inay ka dhalan karto roobabka la filayo inay da’aan.

Booliska ayaa farriin culus u dirau shacabka oo ku wargeliyay inay waxyeelooyin ay gaysan karaan roobabkaasi, loona baahan yahay in laga taxadaro.

Digniintan ayaa toos loogu diray shacabka ku dhaqan gobollada fog, ayaga oo laga dalbaday inay ka fogaan goobaha dooxyada iyo biyo mareenada.

“Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan goballada , degmooyinka iyo miyigaba inay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareenada ah” ayaa lagu warsaxaafadeedka kasoo baxay Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa fariintan gaar ah iyana loo diray darawallada gaadiika ee isaga kala goosha deegaanada Somaliland, si ay u yareen xawaaraha socodkooda.

“Waxaannu faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan xawaaraha gaaddiidkana dhamaan iyagoo qadanaaya awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ( Traffic)” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL”.

Dhankeeda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa soo saartay digniino la xiriira roobka gu’ga, kaasi oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen iyo goobaha biya mareenada ah.

Digniintan ayaa imaneysa, iyada oo roobabkii deyrta ahaa ee da’ay dhamaadkii sanadkii tagay ay sababeen daadad iyo fatahaado geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaaray guryo badan, taasi oo illaa hadda aysan kasoo kabsan dadka qaar waxyeelladii kasoo gaartay.