Sawirro: Ciidamada DF oo qabtay waxyaabo qarax looga shakiyay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo looga shakiyay inay yihiin qaraxyo la farsameynayay iyo ruuxii ku howlanaa.

Howlgalka ayay ciidamada amaanka ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana lagu qabtay ruux ku howlanaa sameynta waxyaabaha qarxa iyo qalab mobeylo u badan oo qaraxyada laga hago.

Xaafadda Nageyle ee degmada Kaaraan ayaa baaritaanka laga sameeyay, waxaana saraakiisha ay sheegeen inay ku raad joogaan dad kale oo looga shakisan yahay inay arintaan ku lug lahaayeen.

Waxaa hadda ruuxaan uu ku xeran yihiin saldhiga degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyadoo ay baaritaan uu ku socdo, sida saraakiisha ciidamada ay sheegeen.

Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkaan ka waday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir baaritaanka amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo mararka qaar ay degmada ka dhacaan falalka dilka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com